U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun Dil Ah Ridday

Sheeko:Dalka

Maxkamadda daraja Koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta la hor geeyay Maxamed Cali Aadan oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kaasi oo lagu eedeeyay dilka askari kale oo isna ka tirsan isla ciidanka xoogga.

Markii ay maxkamadda dhageystay dacwadda loo haystay eedeysanahaan ayaa waxa lagu xukumay dil toogasho ah, ka dib markii maxkamaddu sheegtay in ay ku cadaatay eedeynta loo haystay.

Kaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Gaashaanle dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan ayaa ku dhawaqay xukunka maxkmadda ay ridday.

“Maalinta ay taariikhdu ahayd 18-kii bishii Sideedaad 2015, maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida waxa ay u fariisatay dacwad ciqaabeedkii loo haystay eedeysane Dable Xoogga Maxamed Cali Aadan, 30 jir ah, ku dhashay Jilib, ka tirsan Guutada Sedaxaad, ururka Koowaad, kaasi oo xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida kusoo eedeyay in uu xabad ku riday Marxuum Ex Dable xoogga Cabdifitaax Maxamed Axmed, taariikhdu markii ay ahayd 20-kii bishii Shanaad 2015-ka, una geeriyooday dilkaasi oo ka dhacay degmada Baraawe, dood dheer ka dib, maxkamadda markii ay aragtay eedii uu soo gudbiyay xafiiska xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida, oo ku xusneyd aayadda 178 suuratul Baqara, aayadaha 33 iyo 45-aad suuratul Maa’idda iyo qodobka 434 xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, iyo qodobka 19-aad xeerka ciqaabta ciidamada qalabka sida, marka ay dhageysatay qiraalka eedeysane, Gacan ku dhiigle dable xoogga Maxamed Cali Aadan oo uu ka hor qiray garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida, kana hor cadeeyay in uu si bareer ah xabad ugu dhuftay marxuum Ex Dable xoogga Cabdifitaax Maxamed Axmed, markii ay dhageysatay doodii qareenka oo ahayd in eedeysanaha loo naxariisto, sidaas darteed maxkamadda waxaa u cadaatay in eedeysane Maxamed Cali Aadan uu yahay dambiile galay dambigii lagu soo oogay, waxaana ay ku xukuntay dil toogasho ah oo ah qisaastii marxuumkii uu dilay” kaaliyaha ayaa sidaasi saxaafadda uga hor akhriyay xukunka.

Maxkamadda cidamada  qalabka sida waxa ay muddoyinkii dambe xukunno kala duwan ku riday edeysnayaal loo haystay dambiya kala duwan.

Goobjoog News