U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Xukun Ku Ridday Askari Horay Dil U Geeystay

Sheeko:Amniga

Maxkamadda Ciidamaa Qalabka Sida, qeybteeda 60-aad, ee deeganada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa xukun ku riday Askari, horay u dilay qof shacab ah .

Eedeysane Cismaan Ibraahim Cabdi oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa lagu soo eedeyay in uu horay dil ugu geeystay qof shacab ah , xilli uu ku sugnaa magaalada Beeydhabo .

Markii ay soo dhamaatay dhageeysiga gal dacwadeedka eedeysanaha, Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka qeeybta 60-aad Gaashaanle sare Aadan Abuukar Maxamed ayaa ku dhawaaqay in Cismaan Ibraahim lagu xakumey dil toogasho.

Gaashaanlaha ayaa sidoo kale Qeybaha kala duwan ee ciiidamada qalabka sida uga digay in ay wax yeeleyaan shacabka deeganada maamulkaas .