U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun Ku Riddey Askar Ka Tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka

Sheeko:Dalka

Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida ayaa maanta oo Khamiis ah waxay xukun ku riddey Saddex askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Askartan ayaa Labo ka mid ah waxay kasoo muuqdeen maxkamadda halka midka kalena uu ahaa maqane.

Waxaa lagu eedeeyey in Labo jeer oo is xigtay ay lacag ka dhaceen shirkadda Hormuud, ayna ka qaateen Kumanaan doolar.

Waxaa la sheegay in Hormuud laanteeda Kaawo Godey ee degmada Dharkeenley ka qaateen lacag dhan $10,874, Labadii Bishii June, isla 7-dii bishaas ayeey H ormuud KM-13 waxay ka qaateen lacag dhan $2,000 iyadoo ciidamda amniga markii ay raggan soo qabanayeen kusoo qabteen lacag dhan $1,500.

Guddoomiyaha maxkamaddan Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in raggan ay qirteen dambigooda, waxaana lagu xukumay min Shan sano oo xabsi ah, iney bixiyaan dhammaan lacagihii ay dhaceen oo ah $11,354, waxaana sidoo kale laga saaray ka mid ahaanshiyaha ciidamada xoogga dalka.

Ragga la xukumay ayaa kala ah:

  • Dable xoogga C/kariin Muuse Muxudiin
  • Dable Xoogga Aweys Faarax Maxamuud
  • Dable xoogga Maxamed Cali Maxamuud oo maqane ah.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa horey sidan oo kale xukun ugu riddey askar ka tirsan ciidanka DFS kuwaasi oo dambiyo kala duwan galay.

Goobjoog News