U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Xukun Ridday

Sheeko:Amniga

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku ridday rag lagu eedeeyey  in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab, kuwaas oo maxkamaddu xustay in ay dileen askar ka tirsan xoogga dalka iyo dowladda hoose, kuwaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho sanadkii 2019-ka.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qaalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ka hadlayey fadhiga xukunka yaa sheegay Cumar Aadan Maxamed oo 29 jir ah iyo Cabdulle Axmed Muudey oo 24 jir ah, lagu soo eedeeyey kamid noqoshada Al-shabab, waxaana uu intaas ku daray in raggaan ay qirteen eedeyntaas.

Raggaan maanta maxkamadda ciidanka qalabka sida ay kuxunka dilka ah ku ridday ayaa waxaa lagu soo eedeeyey in ay dil u geeyeysteen.

1- Marxuum Saddex Alifle dowladda hoose, Cabdullaahi Maxamed Hilowle oo lagu dilay suuq Boocle, degmada Dharkeynley,taariikhdu markey aheyd 12-10-2019.

2- Marxuum Dable xoogga, Cali Cabdulle Maxamed oo lagu dilay suuqa Weyn, degmada Wadajir taariikhdu markey aheyd 13-11-2019,ciidamada amniga ayaana raggaan gacanta ku dhigay kadib dilka marxuum Cali Cabdulle.

Goobjoog News