U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada qalabka Sida oo xukunno kala duwan ku ridday eedeysanayaal

Sheeko:War

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Maanta xukunno kala duwan ku ridday eedeysanayaal loo haysatay dambiyo ay ka mid yihiin dil iyo dhac loo gaystay dad shacab ah.

Afhayeenka Maxkamadda Ciidamada Cabdulaahi Maxamed Kayse, ayaa sheegay in dadkan kiisaskooda maalmahanba uu ka socday Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida, isagoo intaa raaciyay in ay jiraan eedeysanayaal kale oo dhawaan la soo istaajin doono Maxkamadda.

Maxkamada Ciidanka ayaa Xukunkaan ridday  ilaa toban ruux oo mid ka mid ah ay tahay haweeney.

Hal Ruux oo ku eedeysnaa inuu ka tirsanaa Al-shabaab ayaa Waxaa lagu riday Xukun Dil Toogasho ah Markii uu Maxkamada ka hor qirtay in Bishii Ramadaan ka qayb qaatay Dilalkii Magaalada ka dhacay Dhowr qofna uu dilay.

Todobada kale ayaa waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in, Halka labada kale lagu xukumay min toban Sano oo Xabsi ah dhamaantood waxaa ay qirteen in ay xarakada Al-shabaab ka mid yihiin.

Afhayeenka Maxkamadda Ciidamada Cabdulaahi Maxamed Kayse ayaa sheegay in Dadkaan ay soo qabteen Ciidamada Ammaanka iyagoo qaarkood ay fal dambiyeed Gacanta kula jireen, waxaana uu Xusay Masuulkan in Cid kasta oo Al-shabaab ka tirsan ay Cadaaladda, horgeynayaan sida uu hadalka uu u dhigay.