U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukuntay 18 Askari

Sheeko:Dalka

Maxkamadda darajada Koowaada ee ciidamada qalabka sida ayaa waxay saakay xukun ku riddey 18 askari oo ka tirsan guutada 14 October ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Askartan ayaa waxaa lagu soo eedeeyey arrimo ay ka mid yihiin qalqal gelin guutada dhexdeeda ah iyo sidoo kale iska horkeen ciidamada.

Waxay maxkamaddu ku xukuntay min Shan Sano oo xabsi ciidan.

Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida ayaa Todobaad ka hor waxay dhageysatay dacwadda loo haystay askartan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News