Wararka Dalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukuntay Saddex Eedeysane

Maxkamadda ciidamada qalbka sida ayaa maanta xukun waxay ku riddey Saddex eedeysane oo loo haystay iney ka mid ahaayeen koox weerar ku qaadday Hotelka Naasa-hablood Laba ee magaalada Muqdisho, 28-kii October 2017.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa raggan ku eedeyay iney ka mid ahaayeen urur hubeysan oo liddi ku ah dowladda, sidoo  kalena ka mid ahaayeen koox weerartay hotelka Naasa-hablood Laba.

Guddoomiyaha maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in raggan kala ah Farxaan Maxamed Samatar, C/naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buule ay qirteen dambiyada loo haystay.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha, in maxkamaddu ay raggan ku xukuntay Dil toogasho ah, haddii ay jirtana cid aan xukunkaasi ku qanacsaneyn u furan tahay racfaan.

Weerarkii October 28 2017 lagu qaaday Hotelka Naasa-hablood Laba ayaa waxaa ku dintey ku dhowaad 20 qof, iyadoo 40 kalena ay ku dhaawacmeen.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close