U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidmaada Qalabka Sida Oo Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Shuceyb Ibraahim iyo Faarax Cali Cabdi

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada qalbka sida ayaa maanta dil toogasho ah waxa ay ku fulisay Filsay Shuceyb Ibraahim oo 37-sano jir ah iyo Faarax Cali Cabdi oo 30-sano jir ah, kuwaa oo horay loogu eedeeyay in ay dileen xildhibaanno ka mid ahaa dowladda Federaalka iyo saraakiil ciidan.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Labadaan nin waxa ay ku eedeeyeen in ay ka dambeeyeen dilalka xildhibaanada kala ah:-

  • Ex-Xildhibaan Saado Cali Warsame
  • Ex-Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd
  • Ex-Xildhibaan Aadan Maxamed Cali
  • Axmed Odawaa Baale oo ka tirsanaa hay’adda nabad sugidda Qaranka
  • Maxamed Axmed Maxamed oo ka tirsanaa hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka

Toogashadaan ayaa maanta ka dhacday Barxadda Dugsiga Tababarka Jeneraal Kaahiye, waxaana halkaasi ku sugnaa saraakiil ka tirsan maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Goobjoog News