Urur ay ku mideysan yiiin Sharciyaaqanada Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku nool kaas oo uu fadhigoodu yahay Melbourne ee dalka Australia, ayaa sheegay in mackamadda Dambiyada adduunka ee ICC ay u gudbiyeen dacwad ka dhan ah dowladda uu hogaamiyo Farmaajo.
Garyaqaanadaan ayaa seegay in ay arkeen tacadiyada dalka ay ka geysanayaan Farmaajo iyo xulafadiisa, iyagoo sheegay in ay dadka Soomaaliyeed u sheegaay in ay jiraan meelo lagu maxkamadeyn karo dadka Awoodda loo dhiibtay dadka ku dhibaateeya .
Yuusuf Cabdi Faarax oo ah guddoomiyaha ururka Garqayaanada Soomaaliyeed ee Qurba joogta ah ayaa sheegay in Dacwadoodu ay qeyb ka tahay gabood faladii dhacay doorashadii Lafta gareen, Dilka Ikraan Tahliil iyo Cunaqabateynta la saaray maamulada qaar.