Maxkamadda Derejada Koowaad Ee Puntland oo Markale Dib U Dhigtay Kiiska Rag Ku Eedeysan Kufsi

Maxkamadda derejada koowaad ee gobalka Nugaal ayaa maanta mar kale dib u dhiigtay dhageysiga dacwadda 7 eedeysane oo rag ah kuna eedeysanaa kufsi iyo dil magaalada Garowe loogu geystay marxuumad Hodan Abdiraxmaan Shanleyste.

Xeer ilaaliyaha guud ee gobalka Nugaal dowlad gobaleedka Puntland Maxamuud Xassan Aw Cismaan ayaa maxkamadda ka hor akhriyey codsi ka yiimid qoyska marxuumad Hodan Cabdiraxmaan oo maxkamadda ka dalbaday in dhageysiga kiiska dib loo dhigo muddo afar maalmood ah.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee gobalka Nugaal ee  dowladda gobaleedka Puntland Cabdinuur Jaamac Xuseen ayaa sheegay in dacwadda dib loo bilaabayo 26- bisha Febaraayo  oo ku beegan maalinimada Arbacada ah.

Ragga maanta dacwadooda dib loo dhigay ayaa ku eedeysan kiiska marxuumad Hodan Cabdiraxmaan Shanleyste oo aheyd marwo xaas ah oo 11-kii bishii Apriil ee sandkii tagay 2019-kii dil iyo kufsi  loogu geystay magaalada Garowe ee gobalka Nugaal.

Goobjoog News

Related Articles

5 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW