U bood dhigaalka

Maxkamadda Derejada Kowaad Ee Gobolka Nugaal Ayaa Dhegaysatay, Dacwadda Loo haystay 7 nin

Sheeko:Amniga

Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal, ayaa maanta oo Arbaco ah mar kale dhegaysatay dacwadda loo haysto 7 nin oo ku eedaysan Kiiska AUN Hodan Axmed Maxamed Shanlayste.

Hodan Shanlayse, waxay ahayd gabar xaas ah oo 11-kii April 2019 la sheegay in kufsi iyo dil loogu gaystay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

15-kii February 2020, ayay Maxkamaddu markii u horraysay dhegaysatay Dacwadda loo haysto Ragga ku eedaysan Kiiska, balse saddex jeer oo dambe ayaa dib loo dhigay Dacwadda.

Daawo Go’aanadii Ka Soo Baxay Maxkamadda Gobolka Nugaal

Goobjoog News