U bood dhigaalka

Maxkamadda Gobalka Banaadir Oo Maanta Xukun Ku Riday Muwaadiniin u Dhashay Kenya

Sheeko:Dalka

Maxkamadda gobalka Banaadir ayaa maanta xukun waxay ku riday 27 qof oo u dhalatay wadanka Kenya, kuwaasi oo la sheegay in si sharci darro ah ay dalka ku joogeen, islamarkaana kaga shaqeysanayeen.

Dadkaan ayaa lagu maxkamadeeyay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo xukunkooda uu ku dhawaaqay gudoomiyaha maxkamadaasi Xaashi Cilmi Nuur.

“Maxkamadda markii ay dhageystay eedda xeer ilaaliyaha, oo uu keenay cadeymo sida Passport iyo taariikhda ay soo galeen, looyarkana aad u difaacay, dacawaddana 3-dii bisha illaa maanta oo Shan ay tahay Laba fadhi u fariisanay, maxkamadda waxa u cadaatay in dadkaasi 27-ka ah aanu wax fiiso ah inaysan haysan oo ay ku joogaan dalka sharci la’aan, ugana shaqeysanaayeen, qaladka iyo saxda waxaa laga fiirinayaa qofka markaa waxa uu ku sugan yahay ee uu haysto, dadkaan Viso ma haystaan mise ma haystaan, waxa loo haysto waa sharci la’aanta ay dalka ku joogaan, taasina wey caddahay dadkoo dhanna wey u cadaatay, maxakamadda waxay ku xukuntay dhammaan qof kasta oo 27-kaasi ka mid ah 10 doolar oo ganaax ah maalintii uu bixiyo intii uu sharci la’aanta dalka ku joogay, marka ay ganaaxa iska bixiyaan waa in dalka ay degdeg uga baxaan, shirkaddii ay u shaqeynayeen ee Liberlink waxay maxkamaddu ku ganaaxday 10 kun oo doolarka Maraykanka, waxaana meesha ku cad inay ku shaqeysatay dad aan sharci haysan” ayuu yiri gudoomiyaha maxkamadda gobalka Banaadir.

3-dii bishaan ayaa dib loo dhigay maxkamadeynta muwaadiniintaan u dhashay dalka Kenya kuwaa oo gaaraya 27 qof, islamarkaana la ogaaday in dalka aysan si sharci ah ku joogin.

Goobjoog News