U bood dhigaalka

Maxkamadda Gobalka Banaadir Oo Xukun Ku Ridday Agaasimihii Sahan Research

Sheeko:Amniga

Maxkamadda gobalka Banaadir ayaa maanta xukun xabsi ah ku ridday aas aasaha hay’adda cilmi baarista ee Sahan.

Gal dacwadeedka shirkadda oo muddooyinkii la soo dhaafay ka furnaa maxkamadda ayaa maanta lagu xukumay in shirkadda lagala noqday ruqsadda ay ku shaqeyneysay loona diiday in ay dalka ka sii shaqeyso.

Matt Bryden, oo ah agaasimaha guud ee hay’adda Sahan Reaserch ayaa isna lagu helay in uu bixiyay xogaha qaranka, kaas oo ay maxkamadda markii dambe ku xukuntay shan sano oo xabsi ciidan.

Goobjoog News