U bood dhigaalka

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Bilowday Dhageysiga Dacwad Loo Haysto Xubno Ka Tirsan Wasaaradda Caafimaadka

Sheeko:Amniga

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwad lagu soo oogay xubno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka oo lagu soo edeeyay musuq-maasuq hantiyeed.

Dadkan dacwadahooda la dhageysanyo ayaa gaaraya illaa 10 ruux, kuwaas oo ay ku jiraan agaasime waaxeedyo iyo agaasime guud, dhammaan xubnahaan ayaa xeer ilaalinta dalka waxay ku soo eedeysay lunsashada xoolo dadweyne.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa horey u sheegay in isaga oo kaashanayo xafiiska Hanti dhowraha guud ay soo qabteen 20 qof oo lagu helay musuq-maasuq.

Edeeysanayasha oo todobaadyadii danbe xirnaa ayaa maanta maxkamadda la horgeeyay si dacwadooda loo dhageeysto.

Goobjoog News