U bood dhigaalka

Maxkamad Ku Taalla Itoobiya Oo Xukuntay Soomaali Lala Xiriirinayo Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maxkamad ku taalla dalka Itoobiya ayaa xukun sanado xabsi ah waxay ku riddey Labo wiil oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo ay ku eedeeyeen  iney ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab.

Badri Yuusuf iyo Aanas Cismaan ayeey maxkamaddu ku xuntay min 6 sano oo xabsi ah, sida ay baahisay warbaahinta qaranka ee dalkaasi.

Raggan la xukumay ayaa lagu eedeeyey iney maleegayeen dhismaha koox ka dagaalanta Itoobiya, islamarkaana xiriir la leh Al-shabaab.

Xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa sheegay in Labadan wiil ee Soomaaliyeed ay xirnaayeen muddo Saddex sano ah, kuwaasi oo baaritaanno dheeraad ah lagu hayey.

Ma jirin fursado la siiyey dhallinyaradan Soomaaliyeed oo ku saabsan iney is difaacaan, hase ahaatee xabsiyo ku yaalla gudaha Itoobiya waxaa ku xiran muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed.

Itoobiya ayaa kamid ah dowladaha ay dalka ka joogaan ciidamada, kuwaasi oo la dagaallama Xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News