U bood dhigaalka

Maxkamadda Magaalada Boosaaso oo Dil Ku Xukuntay Rag Ku Eedeysan Kufsi iyo Dilka Gabar Yar

Sheeko:Amniga

Maxkamadda derejada kowaad ee magaalada Boosaaso, ayaa maanta oo Arbaco ah xukun dil ah ku ridday, laba nin oo lagu helay dilka gabar yar oo da’deeda lagu sheegay 14-sano jir,taas oo 24-kii October bishii tagay loo geystay fal kufsi iyo dil ah maydkeeda laga helay gudaha magaalada Boosaaso.

Labada eedeysane oo ciidamada ka hor cirtay dambigooda markii la soo qabtay ayaa lagu kala magacaabaa  Maxamed Cabdi Faray iyo Cabdiraxmaan Maxamed Isaaq, waxaana maxkamadda horteeda ay ka qirtay in ay dileen marxuumad Niciimo Cabdi Maxamed, kadib markii ay gaari ku qaateen xilli habeen ah, islamarkaana ay kufsi iyo dil isu’gu dareen marxuumadda gudaha xaafadda Raf iyo Raaxo ee magaalada Boosaso.

Sidoo kale, maxkamaddu waxay hal sano oo xabsi ah iyo $500 Dollar oo ganaax ah ku ridday, nin lagu magacaabo Gaarrane Faarax, oo la sheegay in uu lahaa sababta gabadha yar lagu geeyay Boosaaso, balse uusan la wareegin mas’uuliyadeeda, ka hor inta aysan qafaalin labaad raggaan kula kacay falka.

Guddoomiyaha maxkamadda derejada kowaad ee Gobolka Bari, Abukar Cabdinuur Jaamac oo ku dhawaaqay xukunka, ayaa sheegay in xukmanayaashu ay Rafcaan qaadan karaan mudda 30 cisho gudahood ah, oo ka bilaabanayso maalinta la xukumay.

Goobjoog News