U bood dhigaalka

Maxkamadda Racfaanka G/banaadir Oo Safarrada Ka Mamnuucday Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur

Sheeko:Dalka

Maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir ayaa maanta oo Arbaco ah waxay burisay go’aankii uu garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir horey uga gaaray dacwaddii loo haystay siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur.

Waxay maanta maxkamadda u fariisatay kiis dacwadeedka loo haystay siyaasi Shakuur, waxaana xeer ilaalinta qaranka loo fasaxay baaaritaanka ay ku haysto kiiska C/raxmaan Cabdi Shakuur iyo in ay maxkamadda racfaanka qaadi karto dacwadan.

Sidoo kale maxkamadda ayaa waxay safarrada ka mamnuucday Mr. Shakuur mudada baaritaanka lagu wado.

Dhanka kale, waxay maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ay ganaax dul dhigtay Sideed qareen oo ay sheegtay iney diideen difaacista siyaasiga lasoo eedeeyay.

Shan kamid ah qareennadan waxay maxkamadda ku ganaaxday iney bixiyaan lacag dhan $2, 000 (Labo Kun oo Doolarka Maraykanka ah) waxaana shaqada laga joojiyey muddo Labo bil ah, halka Saddexda qareen kale iyaguna lagu xukumay iney bixiyaan ganaax lacageed oo dhan Shilin Soomaali u dhigma $2,000, sida uu Goobjoog News u xaqiijiyey guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir Saalax Sheekh Ibraahim.

Weli C/raxmaan Cabdi Shakuur kama aanu hadlin go’aanka maxkamadda Racfaanka ee gobolka Banaadir, balse qoraal uu gelinkii dambe ee shalay soo saaray wuxuu ku sheegay maxamaddan iney tahay mid siyaasadeysan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News