U bood dhigaalka

Maxkamadda racfaanka gobolka SHabeellaha dhexe oo ka hadashay maxaabiis ku xiran Jowhar

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda racfaanka gobolka SHabeellaha dhexe ayaa sheegay in maxkamadu ay bilaabeyso dhageysiga kiisaska loo haysto maxaabiista ku jirta saldhiga booliska magaalada Jowhar.

Sheekh Axmed Ibraahim Sayid oo ah Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda racfaanka gobolka SHabeellaha dhexe isla markaasna shalay xilkaasi la wareegay ayaa sheegay in maxkamadu ay tallaabadeeda ugu horeyso u qaadeyso kala saarida dambiyada loo haysto maxaabiista ku jirta xabsiga magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu kormeer ku tagi doono xabsiga magaalada Jowhar oo uu xusay in ay ku jiraan dad loo haysto dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihuun dad u baahan maxkamadda racfaanka ee gobolka in dacwadooda ay dhageysato.

Hoos ka dhageyso codka Sheekh Axmed Ibraahim Sayid: