U bood dhigaalka

Maxkamadda Racfaanka Mareykanka oo Diidday Codsi Lagu Fasaxayo Degreetadii Trump ee Dhanka Socdaalka 

Sheeko:Dalka

Maxkamadda heer federaal ee racfaanka Mareykanka ayaa diidday codsi uga yimid wasaaradda cadaaladda si loo fasaxo amarkii madaxweyne Trump uu ku mamnuucay 7 dal oo Muslim ah,  socdaalkooda dhanka Mareykanka.

Xukunka lagu hakiyay amarka madaxweyne Trump oo soo baxay Jimcihii ayaa isla Sabtidii wasaaradda cadaaladda Mareykanku ay racfaan ka qaadatay, si loo joojiyo dhaqan galka xukunka maxkamadda oo dhabar jab ku noqday madaxweyne Trump.

Maxkamadda racfaanka ayaa kaga jawaabtay diidmo codsigan oo dhanka xukuumadda Trump ay dooneysay in si degdeg ah loo joojiyo  go’aanka maxkamadda Seattle ee lagu fasaxay socdaalka 7 dal.

Maxkamadda ayaa sugeysa faahfaahin dheeraad ah oo dhanka Washington iyo Minnesota uga imanaya Axadda, halka xukuumadda Trump- na laga sugayo faahfaahinteeda maalinimada Isniinta ah.

Go’aanka Madaxweyne Trump uu ku gaaray xanibaadda dhanka socdaalka ee  7 dal ee muslimka ah oo ay Soomaaliya ku jirto, ayaa ah mid dowladahan looga mamnuucayo iney Mareykanka u safraan muddo 90 cisho ah.

Goobjoog News