U bood dhigaalka

Maxkamadda Sare Ee Ciidanka Qalabka Oo Adkeysay Xukunkii Dilka Ahaa Ee Xasan Xanafi Xaaji

Sheeko:Dalka

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta oo Sabti ah waxaa ay adkeysay xukunkii dilka ahaa Xasan Xanafi Xaaji Cabdisalaan  oo horay maxkamadda darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ay ku xukuntay dil, ninkan ayaa lagu  haystay inuu ka dambeeyay dilalka wariyeyaal dhowr ah oo dalka gudahiisa lagu dilay, kana tirsanaa Xarakada Al-shabaab.

Xasan Xanafi ayaa racfaan ka qaatay xukun ay maxkamadda Darajada 1-aad ee ciidanka qalabka sida ku riday 3-dii bishan kaasi oo ah dil toogasho ah.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidanka Qalabka sida Liibaan Cali Yarow oo ku dhawaaqayay xukunka maxkamadda ayaa sheegay in maxkamadda sare ay ku raacday xukunkii maxkamadda darajada Koowaad kaasi oo ahaa dil toogasho ah.

“Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida Markay aragtay qiraalka eedeysanaha kahor bixiyey garsoorka maxkamadda ciidamada qlabka sida oo ahaa inuu ka mid yahay ururka Al-shabaab una qaabilsanaa dilalka qorsheysan ee wariyeyaasha islamarkaana isaga iyo Labo nin oo kale ay dileen Ex-wariye Marxuum Sheekh Nuur Maxamed Abkey, markii ay aragtay marqaatiyayaashii la horkeenay marag furkii ay bixiyeen, sidaa darteed maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida waxaa u cadaatay in Xasan Xanafi Xaaji Cabdisalaan uu yahay dambiile galay dambigii lagu soo oogay, waxayna xukunka ku raacday xukunkii Maxkamadda Darajada 1-aad ee ciidamada Qalabka sida kaasi oo ahaa dil toogasho ah, ahna qisaatii Ex-wariye Marxuum Sheekh Nuur Maxamed Abkey”  ayuu yiri guddoomiyaha.

Xasan Xanafi waxa uu mar soo noqday wariye, waxa uu ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab, iyadoo ugu dambeyn Sirdoonka Soomaaliya oo kaashanaya kan Kenya ay kasoo qabteen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Goobjoog News