U bood dhigaalka

Maxkamadda Sare Ee Dalka Oo Ammartay Ra’iisul Wasaaraha Iyo Wasiir Odowaa Inay Ka Jawaabaan Eedeyn Kaga Timid 22 Xisbi

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Caydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf oo shir saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan looga baahan yahay Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka arrimaha gudaha inay kasoo jawaabaan eedeyn la xiriirta is hortaag ay ku sameeyeen hirgelinta nidaamka xisbiyada badan ee dalka, taasi oo ay ku eedeeyeen hogaamiyayaasha xisbiyadda siyaasadeed kuwaasi oo gaaraya 22 xisbi.

Waxa uu sheegay Ilka Xanaf in golaha Axsaabta ay xaq muwaadin leeyihiin sidaasi awgeed dacwadahooda loo qaadi doono si waafaqsan sharciga.

“Maxkamadda sare waxay maanta u fariisatay eedeyn ay soo gudbiyeen axsaabta siyaasadda, muwaadiniin sheegatay inay yihiin axsaabta siyaasadda dalka oo 22 ah eedeyn ay usoo gudbiyeen maxkamadda sare oo ay usoo jeediyeen Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirkiisa arrimaha gudaha oo ay ku eedeynayaan inay sameeyeen xil gudasho la’aan shaqadoodi ay lahaayeen, Ra’iisul wasaaraha iyo garyaqaanka guud baan u gudbineynaa” ayuu yiri gudoomiyaha.

Go’aanka kasoo baxay xafiiska gudoomiyaha Maxkamadda sare waxaa akhriyay kaaliyaha maxkamadda Mahdi Yuusuf Maxamuud.

“Muwaadiniintaasi waxay ku dacweynayaan Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka arrimaha gudaha inay ka gaabiyeen inay u gudbiyaan golaha shacabka Hindise sharciyeedka axsaabta siyaasadda oo golaha shacabka markii hore u gudbiyay Ra’iisul wasaaraha bishii May 2015 si uu usoo habeeyo kadibna uu dib ugu soo celiyo golaha shacabka, waxay ku eedeenayaa Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka arrimaha gudaha, gudasho la’aan xil qaran, faafinta dacaayad been ah oo ka dhan ah nidaamka xisbiyada badan iyo Dastuurka oo faraya in nidaamka dowliga ah ee lagu dhaqamayo uu yahay kan xisbiyadda badan, maxkamadda sare oo awood u leh inay gasho dacwadaha Dastuuriga ah inta laga soo dhisayo maxkamadda Dastuuriga ahayd ee Dastuurka uu tilmaamayay sida ku xusan qodobka 109, waxay maxkamadda u gudbineysaa eedeyntii Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka arrimaha gudaha, garyaqaanka guud ee dowladda oo ah qareenka dowladda iyadoo raacaysa qodobka 34-aad ee Dastuurka, waxaa la farayaa inay kasoo jawaabaan eedeynta loo soo jeediyay Ra’iisul wasaaraha, garyaqaanka guud iyo wasiirka arrimaha gudaha” qoraalka maxkamadda ayaa sidaasi u qornaa.

Gudoomiyeyaasha 22 xisbi siyaasadeed ayaa shalay oo Isniin ahayd waxa ay maxkamadda sare ee dalka u gudbiyeen dacwad ka dhan ah Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid taasi oo ku aadan inuu is hortaagay hindise sharciyeedka Xisbiyada.

Goobjoog News