U bood dhigaalka

Maxkamadda sare Kenya oo Maanta ku dhawaaqayso go’aanka natiijada doorashada

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in maxkamadda sare ee dalka Kenya ay shaaciso natiijada kama dambeysta ah ee doorashada madaxweyneha Kenya.

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday in 12:00 pm, ee maanta ay ku dhawaaqi doonto go’aanka kama dambeysta ah ee dacwadda ka dhanka ah natiijada doorashada madaxweynaha Kenya.

Waxaa dhammaan heegan la geliyay ciidamada ka hortaga rabshadaha ee dalka Kenya, iyadoo laga cabsi qabo in ay rabshado ka dhacaan deegaannada qaar.

Guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in doorashadii dhacday 9-kii August uu ku guulaystay William Ruto, taas oo uu gaashaanka u daruuray Odinga, oo ah siyaasiyaga doorashada looga adkaaday.

Xarunta go’aanka maxkamadda looga dhawaaqayo ayaa ammaankeeda aad loo sugay, waxaana ku sugan labada musharax iyo inta badan siyaasiyiinta dalka Kenta.

Goobjoog News