U bood dhigaalka

Maxkamadeynta Dhallinyaro Soomaaliyeed Oo Ka Socota India

Sheeko:Dalka

Maxkamad ku taalla dalka India gaar ahaan Magaalada Mumbai waxaa ka socota dhageysiga dacwad loo haysto dhallinyaro Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay iney kamid yihiin kooxaha burcad badeedda Soomaalida.

Maalintii Saddexaad ayeey maxkamadani u fadhisaa dhageysiga dacwaddan, waxaana socda dadaal ay bixinayaan qareennada u doodaya dhallinyarada.

Dhallinyaradan Soomaaliyeed ayaa maxkamadda kahor sheegay in aysan ahayn burcad badeed, islamarkaana ay ahaayeen Kalluumeysato Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta saxaafadda Soomaaliyeed ee dalka India ayaa wada dedaal ku aadan in dhallinyaradaasi ay dib u helaan xorriyadooda, islamarkaana lagu waayo eedeynta loo haysto.

Ciidamada dalka India ayaa dhallinyaradan Soomaaaliyeed waxay ka qabteen meel ka baxsan badda Soomaaliya, waxaana ay xiran yihiin in ka badan 5 sano.

Goobjoog News