U bood dhigaalka

Maxkamdda Ciiadamada oo Xukun Toogasho ah Ku Fulisay Rag Dil Geystay

Sheeko:Amniga

Maxkamadda ciidamada qalab sida ayaa Saakay waxaa ay xukun dil ah ku fulisay laba ruux, kuwaas oo hore dil uga geystay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ragga dilka lagu fuliyay ayaa waxaa lagu kala magaacaabaa Aadam Cali Cabdi oo horey u dilay Marxuum Macalin Daahir Cabdullahi Mukhtar iyo Maxamed Geedow Nuurow oo Isna dilay Marxuum Jamaal Abdikariin Maadey.

Maxkamadda ciidamada ayaa dhowr jeer sidaan oo kale waxaa ay dil toogasho ah ugu fulisay eedeysaneyaal hore dilal ugu geystay muwaadiniin Soomaaliyeed, xilli ay jiraan kuwa kale oo dil ku xuman oo Qisaas sugayaal ah.

Goobjoog News