U bood dhigaalka

Maxkamdda Ciidamada oo Toogasho Ku Fulisay Dad Horey Loogu Xukumay Dil

Sheeko:Amniga

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta Isniin ah xukun dil ah ku fulisay sedex eedeysan, oo horay dil loogu xukumay, waxaana ay ahaayeen xukun sugayaal tan iyo 2019-kii oo maxkamddu ay xukuntay, iyadoo lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Al-shabaab iyo in ay qaraxyo ay ka fuliyeen  Muqdisho.

Xasan Macali Cali Barre Xasan Boy, Abtigiis Sayid Cali Nuur Istiin Boy iyo Isaaq Aadan Keeroow Cali oo ayaa waxaa ay ahaayeen magacyada dadkii maanta lagu fuliyay xukunka dilka ah, Xasan Macali Cali Barre Xasan Boy ayaa lagu soo eedeeyay qaraxyo ka dhacay Muqdisho oo shacab iyo mas’uuliyiin lagu dilay.

Abtigiis Sayid Cali Nuur Istiin Boy oo lagu sheegay inuu ahaa farsamo yaqaan dhanka Gawaarida ah ayaa ku tashkiilayay Sayid Cali Kamid noqoshada Al-shabaab sanadkii 2014-kii, Isaaq Aadan Keeroow Cali ayaa isna waxaa lagu soo eedeeyay inuu bam gacmeedyo uu ku tuuray saldhigyo ciidan iyo dilal gaadmo ah.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maalmihii ugu dambaysay waxaa ay fulinaysay xukunno toogasho ah, oo ay ku fulisay dad horey loogu xukumay, kuwaas oo ahaa shakhsiyaad ka tirsanaa Al-shabaab oo ciidanku siyaabo kale  duwan ay u qabteen, waxaana wali xabsiyada ku jira tiro kale oo horey dil loogu xukumay.

Goobjoog News