U bood dhigaalka

Maxkmadda Ciidanka Somalinad oo Ridday Xukun Dil ah

Sheeko:Amniga

Maxkamadda ciidamada Milatariga Somaliland ayaa maanta xukun ku ridday askari ka tirsanaa ciidamada, kaas oo la sheegay inuu horay u dilay askari kale oo ciidamada ay iska tirsanaayeen.

Maxakamadda oo soo gabagabaysay dacwadda kiiskaas ayaa waxaa ay xukun dil ah ku ridday Alifle Maxamed Axmed Cabdullaahi oo horay dil ugu geystay Gaashaanle dhex Cabdirisaaq Dalmar.

Taliyaha la dilay ayaa waxaa uu kamid ahaa saraakiil ka tirsan Somaliland oo tababar kusoo qaadatay dalka Itoobiya uuna wax kusoo bartay, waxaana uu ahaa taliyaha guutada Gamadiid ee xerada ciidamada Goroyo-Cowl.

Goobjoog News