U bood dhigaalka

Maxuu Rooble Ka Yiri Jadwalka Doorashada Ee La Shaaciyay?!

Sheeko:Amniga
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa war ka soo saaray shaacinta sagaal ka mid ah kuraasta golaha shacabka oo doorashadooda dhawaan la qaban doono.
Rooble ayaa soo dhaweeyay go’aanka guddiga hirgelinta doorashooyinka gobalada Waqooyi ay ku shaaciyeen in todobaadkaan la bilaabayo sagaal kursi oo aqalka sare ay ku leeyihiin Somaliland.
”Waxaan guddiga doorashooyinka SEIT ee Somaliland uga mahadcelinayaa shaacinta jadwalka doorashada 9 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka BFS iyagoo horayna u qabtay doorashada 2 xildhibaan”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Rooble.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu ku booriyay dhamaan maamul gobaleedyada in ay guda galaan doorashada golaha shacabka.
“Waxaan ku boorrinayaa dhammaan dowlad-goboleedyada in ay bilaabaan doorashada Golaha Shacabka si doorashada xildhibaannadu noogu soo idlaato ka hor dhammaadka sanadka”, ayuu  yiri ra’iisul wasaare Rooble.
Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay Dowladda Federaalka ay mar walba diyaar u tahay in ay fududeeyaan howlaha looga baahan yahay ee doorashada golaha shacabka.
“Waxaa naga go’an fududeynta doorasho hufan oo nabdoon, taas oo nooga baahan iskaashi iyo in aan wadajir uga shaqeyno,” ayuu yiri Rooble.
Hadalka Rooble ayaa yimid xilli guddiga doorashooyinka Heer federaal ay bilaabeen in ay deeganada ay doorashada golaha shacabka ka dhaceyso ay geeyaan sanaadiiqda codbixinta iyo agabyada kale ee doorashada loogu talagay.
Goobjoog News