U bood dhigaalka

Maxuu Yahay Hadalka Ka Soo Yeeray Wasiirka Amniga Puntland Ee Ay Ka Soo Horjeesteen Saraakiisha PSF?!

Sheeko:Amniga

Cabdisamad Maxamed Gallan wasiirka amniga dowlad gobaleedka Puntland oo ay wehlinayaan saraakiisha sar sare ee ciidamada dowlad gobaleedka Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay xilka qaadistii lagu sameeyay Agaasimihii ciidmaada PSF-ta Puntland.

Wasiir gallan ayaa ugu horeyn ugu baaqay in agaasimaha xilka laga qaaday uu wareejiyo xilka, kaas oo ay ka horyimideen ciidamada PSF.

“Cid kasta oo qalqal gelineysa amniga Boosaaso ma aqbali doono, Maxamuud waxa aan leeyahay Dhalinyaronimo yaanay ku qaadin oo aqbal xilka in aad wareejisid sidii shalay laguugu wareejiyay oo kale”ayuu yiri wasiirka Amniga dowlad gobaleedka Puntland.

Wasiirka ayaa sidoo kale ciidamada faray in ay xeryahooda ku sugnaadan taliyaha cusubna uu bilaabo shaqadii loo igmaday.

“Agaasimaha cusub ee PSF-ta waxaa loo magacaabay in uu buuxiyo daldaloolada muuqda maadaama dagaallo culus ay galeen waa in derajooyin la siiyaa, Ciidanku waa in aysan kasoo bixin xeryahooda, amarka ka qaataan Taliyaha cusub ee loo magacaabay” Ayuu yiri Cabdisamad Maxamed Gallan  Wasiirka Amniga.

Xilka qaadista madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni uu ku sameeyay Agaasimaha ciidamada PSF, ayaa waxaa si adag uga soo horjeeystay agaasimaha xilka laga qaaday iyo ciidamada PSF kuwaas oo sheegay in aysan sharci aheyn xilka qaadista agaasimaha.

Ciidama ka tirsan kuwa PSF ayaa isaga soo baxay goobahii ay ku sugnaayeen iyadoo labadii maalin ee la soo dhaafay la arkayay ciidamada iyo gaadiidkooda dagaal oo dhex maraya waddooyinka magaalada Boosaaso.

Goobjoog News