U bood dhigaalka

Mayarka Ceerigaabo iyo Ku-xigeenkiisa Oo La Doortay

Sheeko:Amniga

Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa markale ku guuleystay in uu noqdo maayarka magaalada Ceerigaabo, kadib doorasho maanta ka dhacday magaaladaas.

Ismaaciil ayaa muddo dhowr iyo labaatan sano mayar ka ah magaalada ceerigaabo ee xarunta gobalka sanaag ee Somaliland .

Xildhiibaanada golaha deegaanka ee magaalada ayaa sidoo kale Cabdiraxmaan Gaadhi-jiid u doortay maayar ku-xigeenka magaalada .

Labada mas’uul ayaa ka socda xisbiyada Mucaaradka ee Somaliland UCID iyo WADANI, waxa ayna guushooda ku soo aadeysa kadib isbaheysigi ay dhawaan sameysteen axsaabta somaliland ee mucaaradka .

Goobjoog News