U bood dhigaalka

Mayman “ Waa Ka Fariisanayaa Ciyaaraha”

Sheeko:Cayaaraha

Laacibkii hore kooxaha Heegan, Elman, LLP Jeenyo iyo Horseed Maxamuud Cabdi Nuur ( Mayman) ayaa sheegay in uu gabi ayaan ka fariisnaayo dheliista kubbadda cagta kooxaha iyo Xulka Qaranka Soomaaliya.


“Maamulka kooxda Heegan waxaan kaga mahadcelinaynaa fursad ay ii siiyeen in aan ka mid noqdo, runtii waxaan sameeyay intii aan joogay Heegan da’daal wanaagsan, balse waqtigeena ayaa kala dhamaaday” ayuu Goobjoog Sports u sheegay laacibkii hore kooxda Heegan Maxamud Cabdi Nuur.


Ciyaaryahan Mayman wuxuu sidoo kale ka hadlay imaatinka kooxda Heegan ee tababare Cabdi Joon iyo xiriirka kala dhaxeeya isaga, mahadama labadooda ay ka soo wada-shaqeeyeen kooxo badan oo dalka ah.


“Tababare Cabdi Joon waa saaxiibkay,waana aabahayga labaad, waxaan u ahayaa xushmad mana jiro khilaaf naga dhax labadeena” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xidigihii hore kooxda Heegan Maxamuud Cabdi Nuur (Mayman).


In badan oo ka mid ah xidigaha kubbadda cagta Soomaaliya ayaa iyagoo da’yar ah ka fariista Ciyaaraha kubbadda cagta, wuxuuna laacib Mayman arinta ku sheegay in ay sabab u tahay dhiirigelin ka timaada Maamulka maxa kooxaha iyo Xiriirka Kubbadda cagta Somalia.


“Adiga ku jira waqti wanaagsan ayaa laga yabaa in lagu dhaho way ka dhamaatay, taas ayaa ciyaartooyda ku abuuraysa niyad jab iyo hor u socod la,aan” ayuu Goobjoog Sports u sheegay laacib ciyaaryahan Maxamuud Cabdi Niuur (Mayman).


Ugu danbeyntii laacib Maxamuud Cabdi Nuur (Mayman) wuxuu sheegay in labo sanno ka dib uu gabi ahaan ka fariisanayo dheelista kubbadda cagta kooxaha iyo Xulka Qaranka.


“In aan k fariisto Ciyaaraha waxaa igu kalifay sababo badan oo jira, waxaana samaysan dooonaan xirfadiisa kale” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay xidigihii hore kooxaha LLP Jeenyo, Horseed,Elman, Heegan Maxamuud Cabdi Nuur (Mayman).

Daawo Waraysi Oo Mayman Siiyay Goobjoog

Sidoo Kale Warar Dheeraad Ah

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/ciyaaryahan-xasan-xasaasi-horomarka-iyo-guulaha-aan-ka-gaaray-kubbadda-cagta-waxaa-sabab-u-ahaa-dhiirigelinta-xaaskayga/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle