U bood dhigaalka

Meelo Badan Oo Ka Mid Ah Dalka Oo Laga Xusay Maalinta 26-ka June

Sheeko:Dalka

Maalinta 26 June ayaa laga xusay qeybo badan oo ka mid dalka waxayna bulshada u dabaal dageysaa maalinta xoriyadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saakay ubax dhigay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, waxa uuna halkaasi kula hadlay boqollaal shacab ah oo u dabbaal dagayay maalmaha xorriyada.

Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26 ka Juun, isaga oo sheegay in ay tahay maalin weyn oo farxad leh oo dalka qeyb ka mid ah, gaar ahaan Gobollada Waqooyi, ay xorriyadda ka qaateen gumeystihii ingiriiska.

Dhanka kale gobollada qaar ayaa laga xusay maalinta 26-ka June oo ku beegana 58 sano guuradii ka soo wareegatay maalintii Calanka Soomaaliya la suray gobollada waqooyi ee dalka .

Magaalada Baladweyn ee Gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha laga xusay 26-ka June waxaana ka qeyb-galay xuska ciidamo, wasiiro xildhibaanno iyo qeybaha kala duwan bulshada rayidka ee dhaqan halkaasi.

Waxaa sidoo kale magaalada Gaalkacyo laga xusay maaalinta 26-ka June waxaana ka qeyb galay qeybaha ka duwan ee bulshada.

26-ka June ayaa ah maalintii Calanka Soomaaliya laga taagay gobollada waqooyi ee dalka kuwaasi oo uu gumeysan jiray Ingiriiska.

Goobjoog News