U bood dhigaalka

Mek’ele: TPLF Oo Shaacisay In Diyaaradaha Ciidamada Itoobiya Ay Soo Weerareen

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa sii xoojiyey weerarada iyo gulufka ka dhanka ah Tigrayga ee ay ka geysanayaan gudaha gobalka iyo qeybaha ay ku sugan yihiin Jabhadda.

Magaalada caasimadda u ah gobalka Tigrayga ee Mek’elle, ayaa weerar dhanka cirka ah waxaa ka fuliyay ciidamada dowladda saacadihii la soo dhaafay.

Warbaahinta afka Tigrayga ku hadasha ayaa xaqiijisay in dad shacab ah ay waxyeello ka soo gaartay weerarka dhanka cirka ah ee magaalada ka dhacay.

Jabhadda ayaa ku guuldareeysatay in ay iska caabiso weerarka, xilli jihooyin kala duwan ay kaga yimaadeen diyaaradaha dagaalka.

Inta la xaqiijiyay weerarka oo ka dhacay xaafadaha magaalada waxaa ku geeriyooday in kabadan 4 qof, halka labaatameeyo kalena uu dhaawac ka soo gaaray weerarka ciidamada Itoobiya ay ka fuliyeen caasimadda gobalka Tigrayga.

Isbitaalka weyne ee magaalada oo lagu dabiibayo dadka weerarka ay waxyeelada ka soo gaartay ayaa dhaqaatiirtu ay sheegen in magaalada laga geeystay xadgudubyo ka baxsan xuquuqda aadanaha.

Jabhadda TPLF ayaa dhankeeda shaacisay in weerarka ciidamada Itoobiya ay soo qaaden in aysan jirin cid ciidamadooda ka tirsan oo waxyeello ay ka soo gaartay.

Gobalka ayaa laga soo warinaya in ay ka taagan tahay 24-ki saac ee la soo dhaafay xaalad kacsanaan ah kadib markii ciidamada Itoobiya ay bilaabeen howl gallo ka dhan ah TPLF.

Midawga Yurub iyo Mareykanka ayaa ku baaqay in dhinacyada dagaalka uu ka dhaxeeyo ay sameeyaan heeshiis xabad joojin ah lana ilaaliyo xuquuqda aadanaha.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Ned Price ayaa yiri “Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada inay si degdeg ah u joojiyaan colaadda iyo in dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF”.

Gobalka ayaa tan iyo markii ay ka bilaawdeen dagaalada waxaa hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay ku eedeyeen in labada dhinacba ay geeysteen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Kufsi, jirdil iyo dilal aan loo meel dayin ayeey diiwaan geliyeen hay’adaha u dooda bini’aadanimad tan iyo November.

Dagaalka Xulafada Abiy iyo Jabhadda TPLF ayaa waxaa haatan u buuxsamaya sanad kadib markii uu November sanadkii hore ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha Itoobiya in dagaal lagu qaado gobalka Tigrayga.

Goobjoog News