U bood dhigaalka

Meydadka Carruur La’weysanaa Oo Laga Helay Wabiga Beledweyne

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka hiiraan ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saaka wabiga magaalada laga soo saaray meydadka laba wiil oo dhalinyaro.

Labada wiil ee wabiga laga soo saaraya oo lagu kala magacaabi jiray Feysal Nuur iyo Khaliid Nuur oo walaala ahaa ayaa la sheegay in shalay galinkii dambi xilli ay ku dabaal baranayeen wabiga, uu qaaday.

Qaar ka mid ah dadka deegaan ayaa sheegay in illa iyo shalay wiilashaan la baadi goobayay balse aroorti hore ee saaka meydadkooda laga helay wabiga.

Biyaha wabiga ayaa labadaan wiil ee dhalinyarada ah waxa uu ka qaaday agagaarka buuunda-weyn ee magaalada Beledweyne.

Sikasta mararbadan oo horay ayaa sidaan oo kale wabiga magaalada baladweyne uu ula tagay dhalinyaro u dabaal tagtay biyaha wabiga, xilli la sheegay in maalmihi dambe wabiga uu aad u kacsanaa.

Goobjoog News