U bood dhigaalka

Meydadka Dad Rayid Ah Oo Laga Helay Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Sida ay inoo sheegeen dadka degaanka meydadka labo ruux ayaa lagu arkay duleedka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiran.

Meydadkani oo labo ruux oo shacab ah ayaa laga helay degaanka la yiraahdo Wagadda oo qiyaastii 20KM waqooyiga kaga beegan magaalada Baladweyne.

Goobjoog News dad ay la hadashay oo ku sugan halka meydadka laga helay ayaa sheegay in labada wiil ay ahaayeen walaalo hal qoys ka soo jeeda.

Wariyaha Goobjoog News ee Baladweyne ayaa ku soo warramaya in arrintani ay tahay aano qabiil islamarkaana muddooyinkii dambe ka taagnayd Baladweyne iyo degaanno hoostaga.

Maamulka degmada Baladweyne ayaa weli wax faahfaahin ah ka bixin, waxayna daba socdaan dilal horey uga dhacay magaaladaasi.

Beelahani oo wada dega Baladweyne ayaa colaadaha dilalka aanooyinka qabiil ah dhowr jeer oo hore laga heshiiyay balse aysan waxba ka hirgelin.

Goobjoog News