U bood dhigaalka

Meydadka Dad Soomaali Ah Oo Ciidamo Ajaanib Ah Ku Dileen Shabeellada Hoose Ayaa Muqdisho La Keenay

Sheeko:Dalka

Meydka 5 qof oo la sheegay in xalay ciidamo Soomaali iyo ajaanib ah ku dileen deegaanka Macalin oo 10 KM u jirta magaalada Afgooye ayaa la keenay magaalada Muqdisho.

Meydadkan oo markii hore la geeyay C.I.D ayaa hadda waxa ay yaallaan Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho halka qof dhaawaca ahaa oo xaaladiisa ay khatar tahay loo qaatay Isbitaalka Erdogan(Digfeer).

Mahad Dhoore oo ka tirsan Xildhibaannada Koofur Galbeed ayaa Goobjoog News u sheegay in dadka la dilay dhammaantood ahaayeen rayid, isaga oo intaasi raaciyay in dadka ay guryahooda ugu galeen ciidamo Soomaali iyo ajaanib ah iyaga oo mid mid u toogtay, 3 qofna horay u kaxeystay.

Goobjoog News