U bood dhigaalka

Meydadka Seddax Qof Oo Lagu Arkay Deegaanka Ceelasha Biyaha

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi lagu arkay Meydadka Seddax qof oo illaa iyo haatan aan la ogeyn waxa ay yihiin.

Dad ku sugan deegaankaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in ay arkeen Meydadkaan oo meel waddo ah yaalla.

Seddaxda qof ee Meydka ah waxaa ka muuqato rasaas, waana dhalinyaro, iyadoo aan la ogeyn waxa ay yihiin iyo cidda dishay.

Dad badan ayaa isugu soo baxay halka Meydadkaan lagu arkay, iyadoo aanay jirin weli cid aqoonsatay Meydadkaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News