U bood dhigaalka

Meydadka Soomaalidii Bil Kahor Lagu Duqeeyay Yemen Oo Weli La Aasin Iyo Baaq Ay Dirayaan Ehladooda

Sheeko:Dalka

Weli waxaan la aasin meydadka 31 qof oo Soomaaliyeed kuwaasi oo ku dhintey duqeyn ay diyaaradaha isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga la eegteen doon ay saarnaayeen dadkaasi.

Meydadka ayaa ku jira qaboojiyeyaal lagu shubo Baraf, qaarkood waa ay qurmeen sida ay soo sheegayaan dadka ku sugan halkaasi.

Dadkaan ayaa markii la duqeynayey waxay taariikhdu ku beegnayda 17-kii Maarso 2017, waxaana weli ay yihiin kuwo aan la aasin.

C/rashiid Cali Ibraahim wuxuu kamid yahay waalidiinta dadkii dadkii ku dhintay duqeyntan, wuxuuna u sheegay Goobjoog News, in weli ay aad u murgayaan maadaama meydadka carruurtooda aan la aasin.

“Intaan ka war qabno lama aasin, dhibaato aad u culus ayaan dareemaynaa, dadku wuu dhintaan waana laga sabraa, hadii aan nahay waalidiinta dadkaasi  la duqeeyay dhibaato baan dareemaynaa, madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalka waxaan ugu baaqeynaa in dadka dhintay aasaan, kuwa dhaawaca ahna wax loo qabto, xuquuqdii dadkaasi ay lahaayeenna inoo raadiyaan waayo dalkaan iyagaa u dowlad ah”

Dhanka kale Mama Sahra oo iyana gabar ay dhashay kamid ah dadka ku dhintay duqeyntay waxay ku baaqday in si shuruud la’aan ah loo aaso meydadkaan.

“Weli lama aasin meydadka, illaa hadda cid inala soo xiriirtay malahan, ma arag meyd illaa waqti intaan la eg la haysto, waxaan jeclaan lahayn in la aaso oo meydka weli aysan ku qurmin qaboojiyayaasha”

Duqeyntan waxaa ku dhintay 42 qof oo Soomaali ah, waxaase hadda qaboojiyeyaasha ku jira 31 Meyd.

Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo waxaa  laga sugayaa kaalinta ay ka qaadan doonto in la aaso meydadkaan.

Goobjoog News