Meydka Gabar Yar Oo Muddo La Weysnaa oo Laga Helay Gobolka Galgaduud

Waxaa saaka waabarigii Meydka gabar yar oo muddo dhowr iyo maamlmood ah la la,aa  laga helay duleedka deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud ee maamulka goboleedka Galamudug.

Gabadhaan yar ayaa ehelkeedu waxaa ay baadigoob ku haayeen muddo 15 cisho ah, waxaana ugu dambeyn saaka isniin ah la helay meydkeeda iyadoo la gowracay, sidoo kalena laga xiray gacmaha sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Marxuumadda ayaa aheyd 11 sano jir, waxaana la lagu Magacaabi jiray Caaisha Maxamed Shanle, isla markaana waxay Eheladeeda ay sheegeen in gabdhooda la waayey 22 bishii June 2020-ka, lagana helay meydkeeda deegaanka  Cayn oo qiyaastii 15-KM u jira Magaalada Godin-labe ee gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug.

Waxaa warar kala duwan ay ka soo baxayaan dilka gabadha yar iyo cidda ka dambeysay, qoyska ayaa sheegay inuu jiro  tuhun laga qabo in dilka Caaisho ay a dambeysay Habaryarteed oo ay la nooleed, waxaa sidoo kale jira gabar yar oo ciidamada Booliska deegaan ay gacanta ku soo dhigeen oo lagu tuhunsan yahay in ay ku lug laheed dilka Caaisho.

Goobjoog News

 

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW