U bood dhigaalka

Meydka muwaadin Soomaaliyeed oo laga helay gobolka Minisota ee dalka Maraykanka

Sheeko:Dalka

Ciidamada booliska magaalada Ssangyong gobolka Minisota ee dalka Maraykanka ayaa helay meydka muwaadin Soomaaliyeed.

Marxuum Axmed Faarax ayaa laga helay meydkiisa isaga oo guban gaarigii   uu watayna si la mid ah u gubnaa.

Saraakiisha magaalada falkan uu ka dhacay ayaa sheegay in ilaa iyo hada la ogayn waxa keenay dhimashadan hase ahaatee ka jawaab celin doonaan marka baaritaanadan soo gaba gabeeyaan.

Muwaadinka geeriyooday ayaa la sheegay in muddo uu xanuunsanayay isla markaana la waayay sabtidii la soo dhaafay ee isbuucan aynu ku guda jirno.

Shan caruur ah ayuu ka tagay marxuunkan oo saddex ka mid ah ay ku noolyihiin dalka Maraykanka  halka labo kalana ay ku noolyihiin gudaha dalka

Dalka Maraykanka ayaa ka mid ah dalalka ay ku nool yihiin soomaalida ugu faraha badan ee u hayaamay qurbaha.