Meydka Qof Shacab Ah Oo Lagu Arkay Degmada Jowhar

Meydka wiil dhalinyaro ah, aadna looga garanayay degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabellaha Dhexe ayaa laga helay duleedka degmadaasi.

Maamulka gobalka Shabellaha Dhexe iyo Taliska Booliiska degmada Jowhar ayaa Meydka soo dhigay Isbitaalka Inter SOS, waxaana la sheegay in Meydka wiilkaasi laga soo qaaday duleedka Waqooyi ee magaaladaasi.

Marxuumka dhintay ayaa magaciisa lagu sheegay Abshir Bakhuur, waxaana jirkiisa ku yaallo dhaawacyo, iyadoo Taliska Nabad sugidda Jowhar ay wadaan baaritaan ku aadan cidda wiilkaasi dishay.

Abshir Bakhuur ayaa ka mid ahaa ganacsatada Qaadka ku iibisa magaalada Jowhar, gaar ahaan jiinka Wabiga Shabelle.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW