U bood dhigaalka

Meydka Ruux La Garan Waayey Oo Lagu Arkay Hilwaa, Muqdisho

Sheeko:Amniga

Dadka ku dhaqan xaafadda Cali Turcaaye, degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho ayaa saakay kusoo toosay meydka nin la garan waayey oo yaalla halkaasi.

Qof goob jooge ah ayaa inoo sheegay in ninkan meydka ah jirkiisu ay ka muuqato rasaas, iyadoo da’ ahaanna lagu qiyaasay 30 sano.

“Meydka oo meeshan yaalla ayaan aragnay, jirkiisa qeybaha kore rasaas ayaa kaga taalla, waxaana lagu qiyaasay 30 sano jir” mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sidaasi yiri.

Goobta uu yaallo Meydka waxaa gaaray ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka, kuwaasi oo wada baaritaanno.

Wixii ka dambeeyey bilashada bisha Ramadan, waxaa magaalada Muqdisho kusoo batay dilalka qorsheysa.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News