U bood dhigaalka

Meydka Taliyahii ciidanka Booliiska oo Muqdisho lagu aasay iyo Madaxda dowladda oo ka qeybgalay (Sawiro)

Sheeko:Dalka

Waxaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho lagu aasay Allaha u naxariistee Taliyahii ciidamada Booliiska Soomaaliya Sareeye Guuto Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo Khamiistii aynu kasoo gudubnay magaalada Muqdisho ku dhintay.

Aaska Marxuumka oo ka dhacay Dugsiga Tababarka Booliiska ee Jeneraal Kaahiya ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiisha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa halkaasi ku sugnaa qaar ka mid ah ehlada Marxuumka oo saxaafadda faah faahin dheeraad ah ka siiyay taariikhda Marxuum Maxamed Sheekh Xasan.

Madaxda dowladda oo ayaa ilaahay uga baryay Marxuumka in Janada uu ka waraabiyo.

Halkaan hoose ka daawo sawirada.

Aas8 Aas7 Aas6 Aas5 Aas4 Aas3 Aas2 Aas1