U bood dhigaalka

Meydka Ugaas C/raxmaan Ugaas Khalif Oo Lagu Wado In Lagu Aaso Deegaanka Halgan Ee Hiiraan

Sheeko:Dalka

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in Meydka Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif lagu aaso deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan, halkaasi oo marxuumka uu ku dhashay.

Magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan waxaa ka soconaysa qaban qaabada aaska marxuumka, iyadoo halkaasi ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan Labada gole ee dowladda, Odayaal dhaqameed, waxgarad, culimo iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Shalay gelinkii dambe waxaa magaalada Baladweyne gaaray wafdi uu hogaaminayo wasiirka amniga gudaha oo ka qeybgali doona aaska marxuumka.

Sidoo kale waxaa magaaladaasi tagay waxgarad ka tagay gobalka Galgaduud, iyadoo maanta la filayo in B/weyne ay tagaan xubno ka socda maamulka Galmudug oo aaska Ugaaska ka qeybgali doona.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa shalay oo Axad ahayd waxa uu ku dhintay magaalada Baladweyne kadib markii uu wadnaha istaagay isaga oo ka qeybgalaya shir nabadeed.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News