U bood dhigaalka

Meydka Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Oo Maanta Lagu Aasay Duleedka Deegaanka Halgan Ee Hiiraan

Sheeko:Dalka

Allaha u naxariistee waxaa maanta qabuuraha Daaro Ugaas ee duleedka deeaanka Halgan Gobalka ee gobalka Hiiraan lagu aasay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo Axadii aynu kasoo gudubnay ku geeriyooday magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan.

Meydka marxuumka ayaa saaka laga qaaday magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, iyadoo salaadii janaasada dadkii ku tukaday ay ku jireen wasiirro ka mid ah xukuumadda Soomaaliya, iyo shacab aad u badan.

Meydka Ugaaska ayaa Janaasada waxaa lagula tukaday Garoon lagu ciyaaro Kubadda Cagta oo ku yaalla magaalada Baladweyne.

Qabuuraha Daaro Ugaas waxaa ku duugan in ka badan 10 ugaas oo uu ku jiro Ugaas Khaliif oo ah aabaha dhalay Ugaas C/raxmaan ee maanta la aasay.

Allaha u naxariistee Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa waxa uu u dhintay Wadno xanuun xilli uu ka qeybgalayay shir Axadii ka dhacayay magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Halkaan ka akhriso Taariikhda Ugaaska (Riix)

Goobjoog News