U bood dhigaalka

Meydka wiil dhalinyaro ah oo saaka lagu arkay Beledweyne

Sheeko:War

0417

Maydka wiil dhalinyara ah ayaa saaka lagu arkay xaafad ka mid ah magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan.

Wiilkan ayaa lagu arkay xaafada Xaawo Taako ee magaalada Beledwayne, waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa dhalinyarada kubadda cagta. Wariye Goobjoog FM uga soo warama Beledweyne ayaa sheegay in wiilka la dilay uu hore mindi (Toorey) ugu dhaawacay kan dilay.

Dadka ku nool magaalada ayaa sheegay in hore xal looga gaaray shilkii dhex maray labada wiil, balse xalay lagu baraarugay meydka wiilkan.

Dadka qaar ayaa u aaneeyay dilka murxuumkan maydkiisa saaka lagu arkay magaalada Beledwayne arrimo la xiriira dagaallada ku salaysan qabaa’ilka

Wararka Goobjoog news