Michel Keating Oo La Kulmay Madaxweynaha K/galbeed

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta gaaray wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaaliya Michel Keating iyo wafdi uu hoggaaminayo kuwaasi oo lagu soo dhoweeyay magaaladaasi.

Waxaa wafdigan tagey Baydhabo kamid ahaa Safiirka dowladda Sweden,  Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya iyo xubno kale, waxaana kulamo ay la qaateen madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxyaabaha ay ka wada hadleen waxaa kamid ahaa arrimaha doorashooyinka iyo sidoo kale soo dedejinta doorashada Aqalka sare, maadaama waqtiga uu aad ciriiri u yahay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay iney soo diyaariyeen xubnaha aqalka sare, islamarkaana maalmaha soo aadan ay soo gudbin doonaan.

Michel Keating oo isna halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ku ammaaney maamulka Koonfur Galbeed sida ay u dardargelinayaan arrimaha doorashooyinka iyo sidey u diyaariyeen xubnaha aqalka sare.

Magaalada Baydhabo ayaa amnigeeda maanta aad loo adkeeyay, iyadoo maalmahan dambe magaalada ay ku qulqulayeen siyaasiyiin u sharaxan Labada aqal ee dalka.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW