U bood dhigaalka

Mid Ka Mid Ah Culimada Soomaaliyeed Oo Ku Baaqay In Loo Gurmado Shacabka Yemen

Sheeko:Dalka

Mid kamid ah culimada Soomaaliyeed ayaa shacabka ugu baaqay in ay kaalmeeyaan walaalahooda dib kaga soo laabanaya wadanka Yemen.

Sheekh Sayid Abba Cali Sheekh Cali Maye oo ah hormuudka Jaamacadda Al-umma ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed xilligani ay wanaagsan tahay in ay u diyaar garoobaan caawinta walaalahooda kale.

Qoysaska Soomaalida ah ee Yemen ku dhaqan ayuu sheegay Sheekha in loo gurmado si Alle uu naxariistiisa inoogu bedalo sameynta howshaasi caawinta ah.

Shirkadaha ayuu sidoo kale faray inay la baxaan sadaqada oo dadkaasi gurmadka loo sameynayo ay ka qeyb noqdaan.

“Shacabka Soomaaliyeed in la’isku gurmado ayaan ugu baaqayaa, walaalihiina Yemen idinka ayeey idin sugayaan, cid walba waxa ay baxsato ayaa berri anfaci doonto” ayuu yiri Sheekh Sayid Abba.

Yemen waxaa ka socda dagaallo culus, waxaana halkaasi ku dhibban shacab Soomaaliyeed oo u baahan in gurmad degdeg ah lala gaaro.

Goobjoog News