U bood dhigaalka

Mid Ka Mid Ah Culimada Soomaaliyeed Oo Shacabka Ugu Baaqay In Loo Midoobo Taakuleynta Soomaalida Kasoo Laabaneysa Yemen

Sheeko:Dalka

Sheekh Sayid Abba Cali Sheekh Cali Maye oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan u gurmashada Soomaalida kasoo cararaysa dalka Yemen.

Waxa uu sheegay sheekha in bulshada ay tahay markii ay isku gurman lahaayeen, islamarkaana cid walba uu waajib ka saaran yahay in wixii ay awoodo ay shacabkaasi u qabato.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay walaalihiina u gurmada, kuwa dalka Yimid gacan qabasho ayeey rabaan, kuwo kalena Yemen ayeey ku dhibban yihiin, waa dad Kaalmo u baahan, waa dad u baahan in aad wax u qabataan, yaan laga seexanin” ayuu yiri Sheekha.

Sidoo kale Sheekh Sayid Abba Cali ayaa tilmaamay in cid walba wixii sadaqo ah ee ay baxsato ku faa’idi doonto maalinta qiyaamaha, sidaa darteed ay shacabka ku tartamaan u gurmashada dadkaasi.

Dalka Yemen waxaa ka soconaya dagaallo, waxaana halkaasi ku dhibban muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo u baahan in wax loo qabto.

Goobjoog News