U bood dhigaalka

Mid Ka Mid Ah Hooyooyinkii Kasoo Cararay Yemen Oo Ku Baaqday In Loo Gurmado

Sheeko:Dalka

Dalka Yemen waxaa kasoo cararaya dad badan oo Soomaaliyeed ka dib dagaallo halkaasi ka dhacay, waxaana jira dadkaasi qaarkood oo aad u dhibban.

Mid ka mid ah hooyooyinkii Yemen ka yimid, haysatana Afar caruur ah ayaa sheegtay in ay ku sugan tahay Jaaliyadda Yemen ee magaalada Muqdisho, dhibaato badanna ay qabaan.

Waxa ay tilmaantay in raashiin wanaagsan misane ku filan aysan haysan, biyaha oo yar iyo Musqul la’aan.

Caruurta qaar ayeey sheegtay hooyadaan in ay xanuunsan yihiin, una baahan yihiin in gurmad caafimaad loo fidiyo.

“Biyaha aad ayeey noogu qaraar yihiin, raashiinka nala siiyo ma ahan wax qof bini’aadam ah cuni karo, meesha aan seexanayno waxaan ka baqaynaa inay nagu soo dunto, musqulaha aad ayaan ugu dhibban nahay, caruurta shuban ayaa nooga dhacay” ayeey tiri.

Ugu dambeyn hooyadaan ayaa ugu baaqday dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka ah in loo gurmado dadkaan dhibban.

Goobjoog News