U bood dhigaalka

Mid ka mid ah la taliyaasha madaxwayne Xasan Sheekh oo lala xiriiriyay Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Kooxda daba galka xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya iyo Ereteria (UN Monitoring group) ee hoos yimaada qaramada midoobay ayaa ku eedeeyay mid ka mid ah la taliyaasha madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamed in uu ku lug leeyahay weecinta hub sharci darro ah oo gacanta loo galiyay xarakada Al-shabaab sida laga soo xigtay warbixin cusub oo lagusoo daabacay wakaalada wararka ee Reuters.

Eedayntan oo qusaysa Muuse Xaaji Maxamed oo loo yaqaano Ganjab ahna ganacsade caan ah ayaa farriin Email ah oo uu u diray wakaalada Reuters wuxuu ku beeniyay eedeymaha kooxda baarayaasha qaramada midoobay ee loo yaqaano Monitoring group.

Wuxuu ku sheegay eedayntan in looga dan leeyahay sidii loo wiiqi lahaa awooda dowladda Federaalka Soomaaliya wuxuuna ku eedeeyay in uu arrintaas ka dambeeyo ninka ugu sareeya Monitoring group Jarat Chopra, kuna tilmaamay in uu ka shaqeynayo xasilooni darada Soomaaliya.

“ Waxaan si cad u beeninayaa eedeymahaan aan macquulka ahayn,”ayuu ku yiri  Email uu u diray  wakaalada Reuters, isagoo intaas ku daray in uusan lahayn awood uu hubka dowladda si sharci darro gacanta ugu galiyo kooxo kale.

Kooxda daba galka xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya iyo Ereteria (UN Monitoring group) ayaa kol hore ku eedeysay madaxwayne xasan Sheekh iyo xildhibaanad Fowsiyo Yuusuf Xaaji aadan oo ahayd wasiirkii hore ee arimaha dibada dalka in ay lunsadeen hanta ay lahayd dowladda taas oo ay beeniyeen.